Ciidamo gadoodsan oo la wareegay waddooyinka waa-weyn ee Muqdisho

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay waddooyinka waa-weyn ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay waddooyinka waa-weyn ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamo gadoodsan oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo dalbanaya mushahaar ayaa maanta oo Axad ah la wareegay waddooyinka waa-weyn ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay dadka deegaanku sheegeen.

Ciidamada ayaa ka xanaaqsan muddo ka badan hal sano oo aysan wax mushahaar ah siin dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, sida ay wararku sheegayaan.

Waa markii kowaad oo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya sameeyaan gadood tan iyo markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii lasoo dhaafay.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*