Ciidamado katirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo tababar loo soo xiray

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shahaado guddoonsiinaya mid kamid ah askarta dhammaystay tababarka. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta oo Axad tababar u soo xiray ciidamo.

Ciidamada oo katirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo tiradoodu tahay 250 askari ayaa muddo sideed bilood ah tababar ku qaadanayay xerada ciidamada 54-aad ee kutaala magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay xiritaanka tababarka waxa uu faray taliyaha ciidamada in kor loo qaado tababarka ciidamada.

“Waxaan faraynaa oo kula dardaarmayaa taliyaha guud ee ciidanka Daraashiishta in tababarka ciidanka la joogteeyo oo la dedejiyo xeryahooda iyo rugaha ciidanka.” Ayuu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*