Ciidamadda Soomaaliya oo sheegay in ay gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen will uu dhalay hoggaamiyaha Al-Shabaab

Askari katirsan ciidamada Soomaaliya oo ku sugan deegaan kuyaala Shabeellaha Hoose. [Xigashada Sawirka: Sonna]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wiil uu dhalay hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warantay idaacada ciidamadda.

Idaacadda ciidamada Soomaaliya oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidanka ayaa maanta oo Isniin ah tebisay in wiil uu dhalay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye lagu dilay howlgal xalay ka dhacay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidamo katirsan Mareykanka, sida ay sheegtay idaacadda ciidamaddu.

Maleeshiyada Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada ciidanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*