Ciidamadda Puntland oo raadinaya maxaabiis katirsan Al-Shabaab oo ka baxsaday xarun dhaqancelin oo kutaala Garoowe

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo lagu soo qabtay dagaalkii u dhaxeeyay Puntland iyo Al-Shabaab. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamadda Puntland ayaa raadinaya maxaabiis katirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo ka baxsaday xarun dhaqancelin oo kutaala magaalada Garoowe, sida uu sheegay sargaal.

Daahir Maxamed Jaamac, oo ah sargaal katirsan ciidamadda Puntland ayaa warsidaha Puntland u sheegay in ciidamadda ay raadinayaan maxaabiistii baxsaday, waxaana uu intaas ku daray in qaar kamid ah la qabtay.

“Waxaa socda baaritaan balaaran oo ay wadaan ciidanku oo lagu raadinayo maxaabiistaas katirsanaa Al-Shabaab ee fikaday, ilaa afar kamid ah baa dib loo soo xiray ilaa shalay,” ayuu yiri Daahir.

Habeenimadii Isniinta, ku dhawaad 13 katirsanaa maxaabiis Al-Shabaab ahaa ayaa ka baxsaday xarun dhaqancelin oo lagu hayay oo kutaala gudaha Garoowe.

Maxaabiista ayaa horey loogu qabtay dagaalkii dhexmaray Puntland iyo Al-Shabaab sanadkii 2016.

Dowladda Puntland weli si rasmi ah ugama aysan hadlin baxsashada maxaabiistaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*