Ciidamadda Puntland iyo Somaliland oo isku dhac ku dhexmaray meel u dhow Tukaraq

Ciidamo katirsan Puntland oo difaac uga jira tuulada Tukaraq ee gobolka Sool. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan Puntland iyo Somaliland ayaa isku dhac ku dhexmaray meel u dhow tuulada Tukaraq ee gobolka Sool subaxnimadii saakay oo Axad ah, sida ay sheegeen ilo-wareed ciidamada ah.

“Isku dhac u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka bilaabmay meel u dhow Tukaraq, balse hadda waa joogsaday,” ilo-wareedka, oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sidaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Intii uu socday isku dhucu, labada dhinac ayaa adeegsaday hubka fudud iyo qoryaha culus iyo madaafiic,”

Ma ay jiraan warar sheegaya in khasaare ka dhashay isku dhaca, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Puntland iyo Somaliland ayaa ciidamo boqolaal ah geeyay tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Muranka dhanka xadka ah ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa dib u bilaabmay kadib markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay la wareegeen Tukaraq horaantii bishaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*