Ciidamadda PSF oo sheegay in afar maleeshiyo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Buuraha Caalmadoow

Sawirka askari katirsan Ciidanka PSF oo ka dagaalamaya Buuraha Galgala.

Garoowe-(Puntland Mirror) Afar maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa Ciidamadda Ammaanka Puntland ee PSF ay ku dileen howlgal Axadii dhacay, sida PSF ay ku sheegeen bayaan ay soo dhigeen Facebook-kooda.

PSF ayaa bayaanka ku sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanada Booj iyo Dhagaxbuur oo katirsan Buuraha Caalmadoow.

PSF ayaa intaas ku dartay in deegaanada Galgala iyo Sugure ay ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka PSF ayaa la dagaalamaya Al-Shabaab tan iyo markii ay kacdoonkeeda hubeysan ay ka bilowday Buuraha Galgala sanadkii 2010. Ciidamada ayaa sidoo kale dagaal kula jira ISIS, oo ah koox yar oo hubeysan taasoo ballanqaaday inay daacad u tahay ISIS sannadkii 2015-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*