Ciidamadda NISA oo ganacsade Maxamed Mire Cali Yuusuf muddo kooban ku xiray Muqdisho

Xarunta haayada NISA ee Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ganacsade Maxamed Mire Cali Yuusuf ayaa ciidamadda NISA muddo kooban ku xireen magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Ganacsadaha oo sidoo kale loo yaqaan “Soo Dareeri” ayaa Muqdisho tagay horaantii asbuucaan.

Dabayaqaadii asbuucii hore, Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka ayaa cunoqabateyn ku soo rogtay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo shirkadihiisa oo kala ah Liibaan iyo Mutafaq isaga oo sabab looga dhigay taageero uu siiyay garabka ISIS ee Soomaaliya. 

NISA oo ah haayada sirdoonka Soomaaliya, ayaa waxaa dhaqaalaha siiya Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*