Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka bilaabay gobolka Gedo

Ciidamado katirsan dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab bilaabay, sida ay sheegeen saraakiishu.

Faarax Maxamed Tubeec, oo ah sargaal katirsan ciidamadda ayaa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen deegaanadada hoosyimaada magaalada Bardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidamadda ay burburiyeen saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Juungal, oo u dhow Baardheere.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah ka wada gobolo kale oo ay kamidyihiin Jubbada Hoose , Jubbada Dhex iyo Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalooyinka waa weyn ee kuyaala koonfurta Soomaaliya balse maleeshiyada weli waxay haystaan deegaano badan oo miyiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*