Ciidamadda booliiska gobolka Nugaal oo labo nin oo looga shaki qabo Al-Shabaab ku xiray Garoowe

Saldhiga dhexe ee booliiska Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamadda booliiska Puntland ee gobolka Nugaal ayaa magaalada Garoowe ku xiray labo nin oo looga shaki qabo Al-Shabaab maanta oo Talaado ah, sida uu sheegay sargaal booliis.

Taliyaha Booliiska gobolka Nugaal, Faarax Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in labada nin ay ka degteen gaari xamuul ah kahor inta uusan gaarin kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe.

Ciidamadda ayaa sidoo kale xiray darawalkii gaariga, oo ka yimid magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, Faarax ayaa intaas ku daray.

Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in baaritaan uu socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*