Ciidamadda Ammaanka Puntland ee PSF oo sheegay in ay 18 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ka dhacay Buuraha Caalmadow

Askar katirsan PSF oo waardiye ka heysa Buuraha Galgala ee gobolka Bari. [Isha Sawirka: Facebook/psf]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamadda Ammaanka Puntland ee PSF ayaa sheegay in ay 18 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ka dhacay Buuraha Caalmadow saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, PSF ayaa ku sheegtay bayaan ay ku daabacday Facebook-ka maanta oo Sabti ah.

“PSF waxay howlgal ku dileen 18 xubnood oo katirsan Al-Shabaab, howlgalo ka dhacay deegaanada Dhagaxdhaabur,Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*