Ciidamada Yugaandha oo bilaabaya ka bixida Soomaaliya December 2017

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Yugaandha, Janaraal Katumba Wamala. Sawirka/Getty Images.

 

Taliyaha ciidamada dalka Yugaandha Janaraal Katumba Wamala ayaa sheegay in Yugaandha ay u qorshaysantahay bisha December ee sanadka 2017-ka wakhtiga ay ciidamadeeda kala baxayso gudaha dalka Soomaaliya.

Si kastoo ay ahaataba Smail Chergui oo ah wakiilka guddiga Midowga Afrika ee nabada iyo amniga ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Yugaandha uu aqbalay in qaraarka sheegaya in dhamaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay bilaabaan ka bixida bisha Oktoobar ee sanadka 2018-ka.

Warkan ayaa la cadeeyay shalay oo Arbaco ahayd iyadoo taliyeyaasha ciidamada Yugaandha iyo kuwa kale AMISOM ay kulan ku yeesheen gudaha magaalada Kampala ayna qaraar ku gaaren in ay Soomaaliya ka baxaan marka la tababaro lana qalabeeyo ciidamada Soomaaliya.

Yugaandha ayaa ahayd dalkii kowaad oo guutooyin ciidamo ah u diray dalka ay dagaalada halakeeyeen ee Soomaaliya sanadkii 2007-da si ay u la dagaalamaan argagixisada al-Shabaab.

Janaraal Katuma Wamala ayaa sheegay in la joogo wakhtigii ay dowlada Soomaaliya awood u lahaan lahayd in ay horumarin ku samayso awoodeeda si ay uga hortagto khatarta maleeshiyada al-Shabaab, Janaraalka ayaa intaas ku daray in sii joogista ciidamada AMISOM aysan taageero buuxda u noqon doonin Soomaaliya wakhti sii dheer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*