Ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo ajnabi ah oo burburiyay saldhig tababar oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Dhexe

Ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo ajnabi ah oo burburiyay saldhig tababar oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Dhexe. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamo ajnabi ah ayaa maanta oo Axad ah burburiyay saldhig tababar oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida uu bayaan ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

“Gelinkii hore ee maanta, waxaan u ogolaaday ciidamadayada oo taageero ka helaya saaxiibo caalami ah in ay qaadaan weerar ka dhan ah saldhig tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalku waxa uu ahaa mid lagu burburiyay talis muhiim ah oo ay Al-Shabaab lahaayeen. Tani ugu dambeynta waxay kala daadin doontaa awooda cadowga ee uu u leeyahay in uu ku qaado weeraro cusub gudaha Soomaaliya.” Ayuu bayaan ku yiri Madaxweynuhu.

Bishii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah maeeshiyada Al-Shabaab kuwaas oo muddo u dagaalamayay sidii ay awooda uga tuuri lahaayeen dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*