Ciidamada Puntland oo u dhaqaaqay sidii ay dib u gala wareegi lahaayeen maleeshiyada ISIS magaalada Qandala

Baabuurta gaashaaman ee ciidamada Puntland. [Sawirka: Archive]
Baabuurta gaashaaman ee ciidamada Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah bilaabay weerar ay dib u gala wareegayaan maleeshiyada ISIS magaalada Qandala, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Ciidamada dowladda ayaa jihooyin kala duwan uga sii siqaya magalaada, sida ay wararku sheegayaan.

Magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari ayaa 26-dii Oktoobar  ee sanadkan waxaa qabsaday maleeshiyada ISIS.

Qabsashada ayaa ku khasabtay in ka badan 700 qof in ay ka cararaan magaalada, iyaga oo ka cabsi qaba dagaal cusub oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyda.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*