Ciidamada Puntland oo magaalo xeebeedka Qandala ku soo bandhigay hub laga qabsaday maleeshiyada ISIS

Ciidamada Puntland oo soo bandhigay hub laga qabsaday dagaalyahanada ISIS kuwaasoo magaalo xeebeedka Qandala laga saaray bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Ciidamada Puntland oo soo bandhigay hub laga qabsaday dagaalyahanada ISIS kuwaasoo magaalo xeebeedka Qandala laga saaray bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ee ku sugan magaalo xeebeedka Qandala ayaa soo bandhigay hub ay ka qabsadeen dagaalyahanada ISIS.

Sida ay ciidamadu sheegeen, in ka badan 200 rasaas ah, 2 qori oo RBJ ah, hal qori oo PKM ah iyo ugu yaraan 10 qori oo AK-47 ah ayaa laga qabsaday ISIS intii uu socday howlgalkii looga xoreynayay Qandala maleeshiyada ISIS.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay labo gaari oo la sheegay in laga qabsaday dagaalyahanada ISIS.

Maalintii Isniinta, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Qandala ku tagay dooni si uu u soo kormeero ciidamada jiida hore jooga.

Isaga oo ka hadlayay meesha hubka lagu soo bandhigayay, Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegay in xoreyntii Qandala ay guul u ahayd dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Bishii lasoo dhaafay, ciidamada qalabka ku raran ee dowladda Puntland ayaa dib u gala wareegay magaalada Qandala maleeshiyada ISIS kuwaasoo qabsaday magaalada bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii tagay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*