Ciidamada Puntland oo iska difaacay weerar Al-Shabaab deegaanka Af-Urur

Saldhig ay ciidamada badda Puntland ku leeyihiin buuraha Galgala. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Af-Urur subaxnimadii hore ee maanta oo Jimce ah, sida ilo-wareedyo ciidamada katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Labo katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa lagu dilay weerarkaas, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarka iyaga oo horey u hayay macluumaad ku saabsan in maleeshiyadu ay diyaarinayso weerar ka dhan ah iyaga.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bishii June ee sanadkan gacanta ku dhigtay Af-Urur oo ah magaalo yar oo qiyaastii 70 kiilomitir dhanka koonfurta ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse dib ayaa looga qabsaday.

Puntland ayaa dagaal kula jirtay xagjiriinta Al-Shabaab oo ku xiran urur weynaha Al-Qaacida tan iyo sanadkii 2010, markaas oo ay kacdoonkooda ka bilaabmeen deegaanka Galgala. Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira koox yar oo sheegatay in ay daacad u tahay ururka ISIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*