Ciidamada Puntland oo howlgalo nabadgelyo ka bilaabay magaalada Gaalkacyo

Ciidamada booliiska Puntland. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa dhawaan howlgalo amni ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Puntland Cismaan Xasan Cawke oo loo yaqaan Afdalow ayaa warbaahinta u sheegay in ay howlgalka ku qabteen ilaa 70 qof kuwaasoo u badan dhalinyaro falal amni daro ka waday magaalada.

Afdalow ayaa intaas ku daray in ammaanka magaaladu uu soo hagaagayo tan iyo intii howlgalku bilaabmay.

Ciidamo ka socda Puntland ayaa Khamiistii lasoo dhaafay gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug si ay halkaas uga bilaabaan howlgalo nabadgelyo.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay falal amni daro oo dil uu ku jiro, waxaana kamid ah kufsi iyo dil loo geystay gabar 12-sanno jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyaas Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*