Ciidamada Puntland oo dagaalyahanada Al-Shabaab kula dagaalamay gudaha buuraha Galgala

Dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Al-Shabaab ayaa ka bilowday buuraha Galgala sanadkii 2010-kii. [Sawirka: Archive]
Dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Al-Shabaab ayaa ka bilowday buuraha Galgala sanadkii 2010-kii. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa Al-Shabaab kula dagaalamay buuraha Galgala fiidnimadii xalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal haayadaha ammaanka katirsan oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii dagaalyahano Al-Shabaaab ah ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-uruurshe oo kuyaala buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Sargaalka ayaa ka gaabsaday haddii ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka.

Ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamayay gudaha buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*