Ciidamada Puntland oo Buuraha Galgala ku dilay ugu yaraan 25 maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guud Siciid Maxamed Xirsi sidoo kale loo yaqaan (Siciid Dheere). [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay Buuraha Galgala ku dileen ugu yaraan 25 katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wareysi ay la yeelatay Radio Daljir oo ah idaacad maxali ah oo fadhigeedu yahay Puntland, taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guud Siciid Maxamed Xirsi sidoo kale loo yaqaan (Siciid Dheere) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maalin kahor Buuraha Galgala ku dileen ugu yaraan 25 katirsan maleeshiyada Al-Shabaab

“Waxaanu Buuraha Galgala ku dilnay 25 maleeshiyo ah oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sare oo watay,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka si loo soo afjaro maleeshiyada.

Boqolaal maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab ayaa Khamiistii soo weeraray saldhig ciidan oo kuyaala tuulada Af urur ee Buuraha Galgala, ugu yaraan 40 askari oo katirsanaa ciidamada Puntland iyo tiro kale oo dad shacab ah oo ay kamidyihiin haween iyo caruur ayaa lagu dilay weerarka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*