Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay mid kamid ah dadka ka shaqeeya tahriibka

Tahriibayaal ku sii jeeda doontii tahriibin lahayd oo joogta xeebta Bosaso, March 13, 2008. [Xigashada Sawirka: Reuters]

Boosaaso-(Puntland Mirror)  Ciidamada Puntland ee ku sugan magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari ayaa qabtay mid kamid ah dadka ka shaqeeya tahriibka, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ninkaas oo kamid ah dadka ugu waa-weyn ee ka shaqeeya tahriibinta uu ku jiro gacanta dowladda, isaga oo intaas ku daray in dhawaan lasoo bandhigi doono.

Gudaha Soomaaliya, dhalinyarada tahriibta ayaa korodhay sanadihii u dambeeyay. Haayada Caalamiga ah ee IOM ayaa sheegaysa in 55,000 muhaajiriin ay ka tageen dalalka kuyaala Geeska Afrika iyaga oo maray dalka Yemen tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan intooda badan dadkaas waa Soomaaliya iyo Itoobiyaan.

Magaalo xeebeedka Boosaaso oo saran Badda Cas ayaa marin u ah muhaajiriinta iyadoo halkaas ay ka howlgalaan kooxo isku xiran oo dadkaas tahriibiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*