Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo suurtagal ay tahay in ay ku dagaalamaan gudaha gobolka Sanaag

Sawirka: Baabuur gaashaaman oo Puntland leedahay oo ku sugan gobolka Sanaag.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa suurtagal tahay in ku dagaalamaan gudaha gobolka Sanaag, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland ay joogaan deegaanka Karin iyaga oo isku jira qiyaastii 3 kiilomitir, waxaana la filan karaan dagaal in uu ka dhex qarxo.

Gelinkii dambe shalay oo Sabti ahayd, wefdi ka socda Puntland ayaa tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, iyadoo Puntland ay wado dhaqdhaqaaq ka dhan ah dadaalada ay Somaliland ku doonayso in ay sanaadiiqda doorashada geyso gobolka.

Doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa beri oo isniin ah oo bishu ku beegantahay 13 November in ay dhacdo.

 

Wixii warar oo soo kordha la soco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*