Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku weydaarsaday meel u dhow Tukaraq

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku weydaarsaday meel u dhow Tukaraq. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa subaxnimadii saakay oo Isniin ah madaafiic isku weydaarsaday meel u dhow tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, ilo-wareed katirsan ciidamada Puntland, oo codsaday in magaciisa aan la sheegin, ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Markii hore, Somaliland ayaa madaafiic ku soo riday kadib markii ciidamada Puntland ay aaga ka sameeyeen dhaqdhaqaaq. Ilo-wareedka katirsan Puntland ayaa sheegay in ay iyaguna dib u rideen madaafiic kale.

Si kastoo ay ahaataba, xaalada ayaa hadda degan, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Xaalada ayaa timid kadib markii ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu safar ku tagay Garoowe iyo Hargeysa uuna la kulmay hoggaamiyaasha Puntland iyo Somaliland si uu iskugu dayo dadaaladiisii ugu dambeeyay si uu u dhammeeyo ismari-waaga ciidan ee uu dhaxeeya labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*