Ciidamada PSF oo qabtay afar xubnood oo looga shaki qabo Al-Shabaab

Baabuurta gaashaaman ee ciidamada PSF. [Sawirka: facebook/psf]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa qabtay afar nin kuwaasoo loo maleynayo in ay yihiin xubno katirsan Al-Shabaab oo u qaabilsan saadka, sida PSF ay ku sheegeen boggooda Facebook.

PSF ayaa sheegtay in afarta nin ay qabteen kadib markii ciidamadu ay howlgal ka sameeyeen deegaanada buuralayda ah ee Dhadhabo iyo Ceel-deber ee gobolka Bari.

PSF ayaa intaas ku daray in nimanka la geyn doono maxkamad.

Howlgalka ayaa ahaa kii ugu dambeeyay oo taxaneyaal ahaa oo ka dhan ah maleeshiyooynka Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan gobolka Bari, ayna qaadeen ciidamada PSF.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*