Ciidamada PSF oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay tuulada Ceelaayo ee gobolka Sanaag

Askar katitsan ciidamada PSF oo dhex lugeynaya tuulada Ceelaayo ee gobolka Sanaag maanta oo Talaado ah. [Sawirka: Facebook/psf]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamadda Ammaanka Puntland ee PSF ayaa maanta oo Isniin ah howlgal ka dhan maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay tuulada Ceelaayo ee gobolka Sanaag, sida ay ku sheegeen boggooda rasmiga ah ee Facebook-ka.

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 29 January 2018, hawlgal ka sameeyeen tuulada Ceelaayo ee gobolka Sanaag. Hawlgalkan ay ciidanka PSF maanta ku tageen Ceelaayo ayaa qayb ka ah hawlgallo isdaba joog ah oo ay ciidanka PSF wadeen muddooyinkan dambe, hawlgalladaas oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta  buuraha Cal Madow, Puntland, Soomaaliya.” Ayay ku sheegeen boggooda Facebook-ka.

“Ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay god iyo geed walba ka daba galaan kooxaha cadowga ah ee Puntland ku soo duulay, si kooxahaas looga ciribtiro loogana sifeeyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba.” Ayay ku sii dareen.

Ciidamada PSF ayaa bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay howlgal militari oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka waday deegaano kuyaala gobolada Bari iyo Sanaag.

Ciidamada Puntland ayaa kula dagaalamaya maleeshiyada Al-Shabaab buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*