Ciidamada PSF oo fashiliyay qarax iyo miinooyin ay gudaha Boosaaso ku aaseen kooxaha argagixisada ah

Waxyaabaha qarxa oo ay fashiliyeen ciidanka PSF. [Isha Sawirka: PSF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada difaaca Puntland ee PSF ayaa fashiliyay qarax iyo miinooyin gudaha magaalada Boosaaso ay ku aaseen kooxaha argagixisada ah.

Ciidamada ayaa ku guuleystay howlgakaas saakay oo Arbaco ah ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo dhiggeen boggooda Facebook-ka.

Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland, ayaa toban sanadeedkan sii dhammaanaya, waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay masuuliyadooda sheegteen kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo ku dhuumanaya qeybo kamid ah gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*