Ciidamada PSF iyo PMPF oo shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab ku qabtay buuraha Galgala

Baabuurta gaashaaman ee PSF iyo PMPF oo ku sugan buuraha Galgala. [Xigashada Sawirka Facebook/psf]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo ay weheliyaan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab ku qabtay deegaanka Dolqooxle ee buuraha Galgala, sida PSF ay ku sheegeen boggooda Facebook-ka.

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran oo ay weheliyaan ciidamada PMPF puntland oo hawlgal dagaal oo ka dhan ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal madow ka fuliyey buuraleyda deegaanka Dolqooxle oo hoostaga tuulada Af-urur ee gobolka Sanaag, ayaa waxay hawlgalkan ciidamada Puntland ku soo qabteen 5 xubnood oo ka tirsan cadowga Al-Shabaab.” PSF ayaa sidaa yiri.

Maleeshiyada ayaa bilowday in ay cararaan kadib markii ay ogaadeen howlgalka milatari ee iyaga ka dhanka ah, PSF ayaa intaas ku sii dartay.

PSF ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalkooda ka dhanka ah maleshiyada ku sugan gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*