Ciidamada NISA oo xiray maskaxdii ka dambaysay weerarkii dekada Muqdisho

Maskaxdii ka dambaysay weerarkii Al-Shabaab ee dekada Muqdisho. [Sawirka: Bogga Twitter-ka rasmiga ah ee NISA]
Maskaxdii ka dambaysay weerarkii Al-Shabaab ee dekada Muqdisho. [Sawirka: Bogga Twitter-ka rasmiga ah ee NISA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Haayada Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo qabtay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Al-Shabaab ee dekada Muqdisho bilowgii bishaan.

Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faran-fir ayaa xaqiijiyay xiritaanka, sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Ciidamada NISA ayaa Maxamed Ibraahim Xasan ku soo qabtay howlgal fiidnimadii xalay oo Isniin ahayd ka dhacay Km-50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay taliyaha NISA.

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay weerar qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay dekada Muqdisho bilowgii bishaan, oo ay sheegatay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*