Ciidamada Midowga Afrika oo ka bixi doona Soomaaliya 2020

Generated by  IJG JPEG Library
Gaari gaashaaman oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku sugan Muqdisho. Sawirka: Getty Images.

Midowga Afrika ayaa sheegay in ay u qorshaysantahay in ay kala baxaan ciidamadooda gudaha Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 kadib sanado badan oo ay doonayeen in ay xasilooni kusoo celiyaan wadanka Geeska Afrika kuyaala ayna la dagaalamaan kooxda xagjiriinta ah ee al-Shabaab.

Golaha nabada iyo amaanka Midowga Afrika ayaa bayaan ay soo saareen asbuucaan ku sheegay kadib caqabado badan oo is-xigxiga oo soo foodsaaray 22,000 askari oo ka socda wadamo kala duwan, caqabadaha soo foodsaaray ayaa waxaa kamid ah sida ay sheegeen dhaqaalaha, taasoo keentay in ciidamada qaar ay tagaan iyagoo aan la siin mushahaar asbuucyadii lasoo dhaafay.

Sida bayaanka ay ku sheegeen, marka ay baxayaan ciidamada AMISOM ayaa waxaa masuuliyada amaanka la wareegi doona ciidamada militariga Soomaaliya si tilaabo tilaabo ah inta u dhaxaysa 2018 ilaa iyo December 2020.

Go’aankan ayaa imaanaya kadib kulan ay guddiga ciidamada AMISOM yeesheen 29 Juun.

Saraakiisha Soomaaliya ayaan si dhaqso ah uga jawaabin sababtoo ah waxaa lagu jiraa fasaxa Ciida ee Muslimiinta kadib markii ay dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bayaanka kasoo baxay guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay in Midowga Yurub oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay go’aansadeen in ay sii wadi doonaan lacagta mushahaarka ee ay siiyaan ciidamada AMISOM.

Midowga Yurub ayaa bilowgii sanadkan 20 boqolkiiba ka jaray dhaqaalaha AMISOM, taasoo keentay in Uganda oo ah dalka ugu badan oo ciidamada ku deeqay ay sheegaan in ay la bixi doonaan in ka badan 6,000 oo ciidamadeeda ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya bisha December 2017.

Sidoo kale waxaa kamid wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Sierra Leone iyo Ethiopia.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*