Ciidamada maamulka Somaliland iyo Jabhadda Kornayl Caare oo markii ugu horeysay isku dhac dhexmaray

Kornayl Siciid Cawil Jaamac iyo jabhadiisa ayaa fadhi u ah deegaano kuyaala Puntland. [Sawir Hore]
Ceerigaabo-(Puntland Mirror) Ciidamada maamulka Somaliland ayaa isku dhac ku dhexmaray jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaan Caare deegaan kuyaala gobolka Sanaag, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Isku dhaca ayaa ka dhacay Sabtidii deegaanka Hal-dhaadan ee gobolka Sanaag, sida ay wararku sheegeen.

Ma cadda haddii uu jiro khasaare ka dhashay isku dhaca oo soo gaaray labada dhinac.

Waa markii ugu horeysay oo isku dhac dhexmaro labada dhinac tan iyo markii jabhadu ay hubka qaadatay bartamihii sanadkan ee 2018-ka.

Puntland ayaa saldhig siisay jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Caare oo horey uga mid ahaa ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland uu uga soo tagay cadaalad daro iyo dulmi ka dhan ah beeshiisa, oo kamid ah beelaha ugu waa-weyn ee Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*