Ciidamada Kenya oo sheegay in ay 31 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan ku dileen gobolka Gedo

Ciidamada Kenya oo sheegay in ay 31 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan ku dileen gobolka Gedo. [Sawirka: Archive]
Ciidamada Kenya oo sheegay in ay 31 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan ku dileen gobolka Gedo. [Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay 31 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dileen weerar ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Kenya Kornayl Col Joseph Owuoth, weerarka oo ahaa mid cir iyo dhul ah ayaa ciidamada Kenya qaadeen shalay oo Axad ahayd.

Hub ay kamidyihiin11 qori oo AK-47 ah iyo walxaha qarxa ayaa weerarka lagu soo qabtay, sida uu sheegay afhayeenku.

Tirada dhimashadu maahan mid si dhaqso ah oo madax-banaan loo xaqiijin karo.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay in ay ku duulaan koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay ula diriraan Al-Shabaab, taasoo wali weeraro ka wada deegaanada saaran xadka sida waqooyi-bari Kenya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*