Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya oo 13 dhalinyaro ah oo u dhashay Kenya ka badbaadiyay Al-Shabaab

Dhalinyarada laga soo badbaadiyay Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: The Star]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada Kenya ee KDF ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa 13 dhalinyaro ah oo u dhashay Kenya ka badbaadiyay qorshe ay Al-Shabaab rabtay in ay ku qorato, sida ay sheegeen saraakiisha KDF.

13-ka dhalinyarada ah ayaaa ka kala yimid deegaanada Magarini iyo Lamu ee Kenya, waxayna muddo bil ah ku sugnaayeen deegaanka Ras Kambooni ee gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya.

Dhalinyarada ayaa fiidnimadii Isniinta loo dhoofiyay deegaanada Malindi iyo Kiunga oo kuyaala xadka Kenya iyo Soomaaliya si ay dib ula midoobaan qoysaskoodii.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in dhalinyarada markii hore la siiyay lacag loona sheegay in ay shaqo kalluumeysi ka qaban doonaan gudaha Soomaaliya.

26-kii bishii Maarso ayaa dhalinyarada laga ka xeeyay Kenya, waxayna ciidamada KDF soo badbaadiyeen 29-kii April.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*