Ciidamada Itoobiya oo ku soo noqday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Sawirka: Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Boqolaal ciidan hubaysan oo Itoobiyaan ah ayaa gudaha u galay Soomaaliya, iyaga oo la sheegay in ay caawinayaan dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jirta maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ee ku sugan magaalada Doolow ee gobolka Gedo, Soomaaliya, ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan 30 gaari oo sida ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa kumanaan ciidamo ah ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa ciidanka Itoobiya isaga baxeen deegaano kuyaala bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay Al-Shababa dib u qabsadeen.

Ciidanka Itoobiya ayaa si rasmi ah u soo galay gudaha Soomaaliya sanadkii 2006, iyaga oo gacan siinayay dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Imaatinka ciidanka cusub ee Itoobiya ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda AMISOM ay isku diyaarinayaan guluf balaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta Soomaaliya balse waxay weli ku suganyihiin deegaanada miyiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*