Ciidamada haayada sirdoonka Soomaaliya oo fashiliyay qarax gaari

4

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada haayada sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya (NISA) ayaa xalay gacanta ku dhigay gaari nooca raaxada oo yar-yarka ah (GARIB) oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa kadib howlgalo ay ciidamada ka sameeyeen xabaalaha Janaraal Daa’uud ee degmada Warta Nabada, sida ay sheegtay wakaalada dowlada SONNA.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa wakaalada wararka SONNA u sheegay in ay wali ciidamada wadaan baaritaan.

Maleeshiyada al-Shabaab oo Muqdisho laga saaray sanadkii 2011-kii ayaa wali Magaalada ka wada weeraro argagixiso oo ay ku bartilmaameedsanayso xarumaha dowlada iyo meelaha shacabka sida huteelada iyo makhaayadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*