Ciidamada haayada NISA oo gacanta ku dhigay koox gaari wadatay oo dilal shalay ka geysatay gudaha Muqdisho

Gaariga ay ciidamada qabteen ayaa ah Toyota Noah kaasoo ay wateen kooxdii shalay dilalka ka geystay gudaha Muqdisho. Xigashada [Sawirka: Puntland Post]
Gaariga ay ciidamada NISA qabteen ayaa ah Toyota Noah kaasoo ay wateen kooxdii shalay dilalka ka geysatay gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada haayada nabadsugida dowladda federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa shalay oo Sabti ahayd gelinkii dambe gacanta ku dhigay gaari ay wateen koox shalay dilal toogasho ah ka geysatay gudaha Muqdisho.

NISA ayaa gaariga oo noociisu ahaa Toyota Noah ku qabtay guri kuyaala xaafada Jamhuuriya ee degmada Karaan ee gudaha Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay niman gaariga la socday oo looga shaki qabo in ay ahaayeen kuwii dilalka geystay, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Shalay oo Sabti ah ayay ahayd markii dablay gaari wata ay toogteen afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagaafey, dableyda ayaa sidoo kalena dhaawacday taliye ku xigeenkii hore ee NISA Xassan Dheere.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraradaas, sida ay sheegeen warbaahinta afkooda ku hadasha.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*