Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weerar ku qaaday iskuul kuyaala gobolka Shabeellaha Dhexe oo 32 caruur ah kasoo badbaadshay Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaaliya katirsan oo fulinaya howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen iskuul ay maamusho Al-Shabaab xalay oo Khamiis aheyd, ayna soo badbaadiyeen 32 caruur ah kuwaasoo ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

“32-da caruurta ah waa ay fiicanyihiin, dowladduna waa ay ilaaalin. Waa nasiib darro in argagixisadu ay qoranayaan caruurta si ay uga dhaadhiciyaan fikirkooda,” Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters maanta oo Jimce ah.

“Waxay muujinaysaa sida ay argagixisadu u wareersanyihiin, iyaga oo ku jabay dagaalka dadkuna ay diideen argagaxa,”

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada dowladda, ay waheliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo soo weeraray iskuulka oo kuyaala gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxayna sheegeen in afar caruur ah iyo macalin la dilay.

Wax jawaab ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya weli oo ku saabsan khasaaraha ay Al-Shabaab sheegtay.

“Waxay afduubeen caruurta intoodii kale,” ayuu wakaalada wararka Reuters u sheegay Cabdicasiis Abu Muscab, oo ah afhayeenka howlgalada millatariga ee Al-Shabaab.

“Haayada Human Rights Watch ayaa ka dambeysa dhimashada caruurta iyo macalimiinta maxaa yeelay iyagaa farta ku goday,” ayuu ku sii daray.

Warbixin ay soo saartay asbuucaan haayada xuquuqul iinsaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Newy York ee Human Rights Watch ayay ku sheegtay in tan iyo bishii September ee sanadkii 2017, Al-Shabaab ay ku amartay odayaasha deegaanka, macalimiinta jooga iskuulada diinta lagu barto, iyo bulshada reer miyiga ah in ay keenaan boqolaal caruur ah oo da’doodu tahay ilaa sideed jir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*