Ciidamada dowladda Soomaaliya oo qaadi doona howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab

Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cabdulaahi Cali Caanood. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamadu ay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.

“Howlaha ugu muhiimsan waxa weeye in la qaado howlgalo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, waxaanu nahay diyaar, iyadoo ay bilaabmi karaan saacad walba, waxaanu fulinaynaa awaamiirta madaxdeena.” Ayuu yiri.

Janaraal Caanood ayaa sidoo kale ka codsaday dadka shacabka ah in ay la shaqeeyaan cidamada si loo suuliyo maleeshiyada.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah u dagaalamaysay in ay awooda ka tuurto dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Bishii lasoo dhaafay, Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhan kale, bisha Ramadaan ayaa bilaabmi doonta asbuuca soo socda, maleeshiyada ayaa mar kasta kordhisa weeraradeeda inta lagu guda jiro bisha barakaysan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*