Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dilay labo dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan oo madaafiic ka dhex ridayay gudaha Muqdisho

Gaari qarax oo ay wateen ayaa sidoo kale qarxay inta uu howlgalku socday. [Xigashada Sawirka: Sonna]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah dilay labo dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan kuwaasoo madaafiic ka dhex ridayay caasimada Muqdisho, sida uu sheegay masuul dowladda ah.

Wasiirka Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamada dowladdu ay dileen labo nin oo hubaysnaa oo Al-Shabaab ah kuwaasoo madaafiic ka dhex ridayay gudaha Muqdisho.

Gaari qarax oo ay wateen ayaa sidoo kale qarxay inta uu howlgalku socday, sida uu sheegay wasiirku.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa kadib weeraro Al-Shabaab oo taxane ah oo ka dhacay gudaha caasimada intii lagu guda jiray asbuucyadii lasoo dhaafay.

Asbuucii lasoo dhaafay,  ugu yaraan lix askari oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii qof Al-Shabaab ah oo isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay xero milatari oo kutaala duleedka Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*