Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo weeraray saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo weeraray saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose. [Sawirka: Archive]
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo weeraray saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay tababareen Mareykanku oo loo yaqaan “Danab” ayaa shalay galab oo Sabti ahayd weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin tuulada Yaaq-doomaar ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in ka badan 500 askari oo Danab katirsan in ay ka qeybgaleen weerarka ka dhanka ahaa maleeshiyada.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weerarkaas.

Ma cadda haddii ay jiraan khasaare ka dhashay weerarka.

Sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga AMISOM ayaa kordhiyay weeraradooda koonfurta Soomaaliya ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*