Ciidamada dowladda Puntland oo howlgalo ammaan ka bilaabay magaalada Baran ee gobolka Sanaag

Ciidamada Puntland oo ka howgal amni ka wada Baran. [Xigashada Sawirka: Dabaraani Media]
Baran-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa howlgalo ammaan ka bilaabay magaalada Baran ee gobolka Sanaag, sida ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada.

Sidoo kale canshuur uruurinta ayaa laga bilaabay magaalada, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan wasaaradda maaliyada Puntland.

Dowladda Puntland ayaa asbuucyadii u dambeeyay magaalada Baran iyo guud ahaan gobolka Sanaag ka waday shaqooyin lagu balaarinayo haayadaha dowladda ee ka jira halkaas. Waxaana gobolka Sanaag ku sugnaa masuuliyiin sare oo uu kamidyahay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed iyo wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Galan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*