Ciidamada dowlada Soomaaliya oo sarkaal al-Shabaab ah ku dilay gobolka Hiiraan

alshabab
Kooxda hubaysan ee al-Shabaab. Sawirka: AFP.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku dilay sarkaal sare oo al-Shabaab ah meel u dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan maanta oo Sabti ah, sida uu sheegay sarkaal.

Taliye ku-xigeenka howlaha amaanka ee Beledweyne, Maxamed Ibraahim, ayaa wakaalada wararka dowlada Soomaaliya (Sonna) u sheegay in taliye al-Shabaabka ah lagu dilay intii uu socday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada.

“Ciidamada dowlada waxay dileen sarkaalkii al-Shabaab u qaabilsanaa howlaha militariga ee gobolkan, waxaana la dhihi jiray Cabdi Aadan, wuxuu dhawaan ku bireeyay oday nabad-doon ahaa meel u dhow Beledweyne, maanta ayuu ku dhintay dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada oo ka dhacay aagaas, ciidamada guul bay ka gaareen howlgalkaas,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah dagaalyahanada al-Shabaab ka waday sanadkan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*