Ciidamada dowlada Puntland oo qabsaday meelo kuyaala koonfurta magaalada Gaalkacyo

pn6
Baabuurta gaashaaman ee ciidamada dowlada Puntland. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada dowlada Puntland ayaa kala wareegay maleeshiyada Galmudug meelo badan oo kuyaala qaybta koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, sida uu sheegay saraakaal dowlada ah.

Sarkaal kamid ah ciidamada amaanka Puntland oo magaciisa diiday in la isticmaalo ayaa Puntland Mirror u sgeegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen meelo badan oo kuyaala dhanka koonfureed ee magaalada.

“Ciidamadayada waxay qabsadeen inta badan koonfurta magaalada, ciidamada Puntland waa ay sii wadi doonaan howlgalka milatari si ay u dhamaystiraan suulinta khatarta maleeshiyada katimid maamulka dariska ah.” Ayuu yiri sarkaalka.

Maanta oo Khamiis ah, maleeshiyada Galmudug ayaa madaafiic badan kusoo riday saldhigyada koonfureed ee ciidamada Puntland, iyaga oo ka jawaabaya weerarka, ciidamada Puntland ayaa qaaday weerar ka dhan ah maleeshiyada ka timid Galmudug.

Ma jirto warar ku saabsan khasaaraha dagaalka ilaa iyo hadda.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac, mid waxaa maamusha dowlada Puntland mida kalena maamulka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*