Ciidamada dowlada Puntland oo howlgalo amaanka ah ka bilaabay magaalooyinka waa-weyn ee Puntland

askar-pl-1
Ciidamada Puntland. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowlada Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah bilaabay howlgalo balaaran oo ujeedkoodu yahay adkaynta amaanka gobolada Puntland.

Ciidamada ayaa howlgalo ka sameeyay magaalooyinka waa-weyn ee Puntland oo ay kamidyihiin, Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso.

Ciidamo badan ayaa lagu soo daayay wadooyinka caasimada Puntland, Garoowe, si loo sugo amaanka guud.

Howlgaladan ayaa imaanaya asbuuc kadib markii shan nin oo Al-Shabaab ah oo uu ku jiray nin ajnabi ah ay kusoo qabteen howlgal wadajir ah oo ay xaafada koonfurta Gaalkacyo ka sameeyeen ciidamada PSF Puntland iyo ciidamada kumaandooska dowlada federaalka Soomaaliya ee Danab.

Saraakiisha amaanka Puntland wali kama aysan hadlin howlgalada hadda ka bilaabmay magaalooyinka waa-weyn.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*