Ciidamada dowlada Puntland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobolka Sanaag

Sanaag
Ciidamada dowlada Puntland. Sawirka: Puntland Mirror.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada daraawiishta dowlada Puntland ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan ka wada meelo kamid ah gobolka Sanaag.

Dhaq-dhaqaaqa ayaa yimid kadib markii ciidamo kamid ah maamulka Somaliland ay soo gaareen qaybo kamid ah gobolka Sanaag, sida ay u sheegeen Puntland Mirror dadka deegaanka.

Ujeedka ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay tahay sidii ay halkaas uga qaybin lahaayeen sanaadiiqda cod bixinta ee Somaliland.

Dadka deegaanka oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in isku dhac uu halkaas ku dhexmaro labada ciidan.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa dagaal ku dhexmaray gobolka Sanaag sanadkii 2007-da. Labada maamul ayaa ku muransan gobolada Sool iyo Sanaag.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*