Ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada uu hoggaaminayo Gallan oo madaafiic isku ganay

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee gobolka Bari ayaa dhowr madaafiic oo daqiiqado socday isku tuuray saakay oo Khamiis ah deegaan dhanka Koonfurta kaga beegan degmada Carmo ee gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ma jirto macluumaad deg deg ah oo sheegaya khasaraaha ka dhashay madaafiicdaas.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa labo maalmood kadib markii maleeshiyaad gaaraya 200 oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore gobolka Bari, Cabdisamad Maxamed Gallan ay gaareen tuulada Kalabayr oo 45 km kaga beegan koonfurta magaalo xeebeedka Boosaaso.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa xiriir la sameeyay saraakiisha amaanka dowlada Puntland si ay u xaqiijiyaan dhacdadaan balse wali jawaab kama helin ilaa iyo wakhtigan oo aan daabacaada samaynay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*