Ciidamada dowlada Ciraaq oo magaalada Faluuja kala wareegay kooxda ISIS

Ciidamada dowlada Ciraaq.

 

 

Ciidamada dowlada Ciraaq ayaa sheegay in ay qabsadeen meeshii ugu dambaysay oo ay ku xooganaayen maleeshiyada Dowlada Islaamika ah (ISIS) ee magaalada Faluuja.

Madaxa la dagaalanka howlgalka argagixisada Janaraal Cabdulwaaxid al-Saadi ayaa sheegay in ciidamadiisu ay gudaha u galeen deegaanka waqooyiga-galbeed ee Golan, halkaas oo ah meeshii ugu dambaysay oo wali ISIS gacantooda ku jirta.

Waxaa uu sheegay magaalada galbeedka Baqdaad kaga beegan 50km in “si buuxda loo xoreeyay”.

Kooxda ISIS ayaa gacanta ku dhigtay Faluuja bishii Janaayo 2014-kii. Dowlada ayaa howlgalo badan ku qaaday si ay dib ugu qabsato bartamihii bishii May.

Ugu yaraan 1,800 oo maleeshiyo ah ayaa lagu dilay howlgalka, sida uu sheegay Janaraal al-Saadi.

Faluuja, waa magaalada ugu weyn gobolka Anbar, waxayna ahayd magaaladii ugu horaysay oo u gacan-gasha kooxda ISIS.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*