Ciidamada dowlada Ciraaq iyo xoogaga Kurdiyiinta oo ku sii siqaya magaalada Mowsil

iraq-forces
Xoogaga Peshmerga iyo ciidamada dowlada Ciraaq oo kusii jeeda magaalada Mowsil. [Sawirka: Reuters]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Howlgal wadajir ah oo wadaqaadeen xoogaga Ciraaq iyo ciidamada Kurdiyiinta Peshmerga ayaa ka xoreeyay gacanta dowlada Islaamiga ah sidoo kale loo yaqiin (ISIS) deegaan 200 km u jira magaalada Mowsil ee dalka Ciraaq, sida uu sheegay madaxweynaha Kurdiyiinta ee Ciraaq Masoud Barzani.

Barzani ayaa bayaanka sameeyay maanta oo Isniin ah, iyada oo ay socdaan howlgalo culus oo lagu xoreynayo magaalada labaad ee dalka Ciraaq ugu weyn ee Mowsil, taasoo gacanta kooxda hubaysan ku jirtay tan iyo 2014-kii.

“Maanta waa uu isbadalay dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Tani waa markii kowaad oo ay xoogaga Peshmerga iyo ciidamada Ciraaq ay iska-kaashadeen ayna isku meel ka dagaalameen,” ayuu yiri Barzani oo shir jaraa’id ku qabtay meel u dhow Mowsil.

“Waxaanu ku rajo weynahay in howlgalkan uu guulaysan doono Mowsil-na la xoreyn doono. Laakiin maahan taas macnaheedu in argagixisada ay dhamaatay.” Ayuu ku daray madaxweynaha.

Mowsil ayaa ah magaalo qani ku ah saliida waxayna caasimad gobol u tahay gobolka Nineveh.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*