Ciidamada dhawaan gadoodka ka sameeyay Garoowe oo kasoo horjeestay qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyada Puntland

Ciidamada dhawaan gadoodka ka sameeyay Garoowe oo kasoo horjeestay qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyada Puntland. [Sawirka: Archive]
Ciidamada dhawaan gadoodka ka sameeyay Garoowe oo kasoo horjeestay qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyada Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamadii gadooday dhawaan ayaa ka soo horjeestay qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyada Puntland oo ay ku sheegtay in aysan jirin wax mushahaar ah oo ka maqan ciidamadaas gadoodka sameeyay, sida uu sheegay taliye u hadlay ciidamada.

Siciid Dhagaweyne oo ah taliyaha ciidamada gadoodka sameeyay oo wareysi gaar ah siiyay mareeg maxali ah oo la dhaho Puntland Post ayuu gabi ahaanba qaadacay qoraalka wasaaradda maaliyadda.

“Horta anaga haddaan bilo naga maqnayn furintayadii kama soo gadoodneen xarunta golaha shacabkana ma qabsaneen, xuquuqda ciidanka ka maqan ciidamada oo dhan baan kala midnahay xitaa kuwa madaxweynaha ilaaliya kuwa buurta jooga kuwa Qandala ka dagaalamaya intaba waa la weydiin karaa waxaa ka maqan sanadkii hore, marka warkaan uu ku hadlay wasiirku kama filayn wasiirku in uu dhaho wax xuquuq ah ciidankaas iguma leh,” ayuu yiri taliye Dhagaweyne.

“Waana ka maqantahay iyadoo kala shaxaysana qoraal baan u haysanaa.” Ayuu ku daray taliyuhu.

Qoraalka ka soo baxay wasiirka wasaaradda maaliyada Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed oo ku taarikhaysnaa 28-kii bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo, oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror ayaa lagu sheegay aanay jirin wax mushahaar, adeeg iyo raashin ah oo ciidankaasi ka maqan aysan jirin.

Qoraalka wasiirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sanadkan hadda lagu guda jiro ee 2017-ka, xitaa  ciidankaas loo gudbiyey dhammaan xuquuqahoodii billaha ahaa ee bisha Janaayo, sida mushahaar, adeeg iyo raashin. Waxa u harsan, oo aanu weli ciidanku qaadan ay tahay bisha Febaraayo, balse qoraalka wasiirka wax qoraal xisaabeed ah lama uusan socon.

25-kii bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo, ciidamo aad u hubaysan ayaa la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland, kuwaasoo ka cabanaya mushahaar la’aan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*