Ciidamada Ciraaq oo ku sii siqaya galbeedka magaalada Mowsil si ay uga xoreeyaan maleeshiyada ISIS

Ciidamada Ciraaq oo ku sii siqaya galbeedka magaalada Mowsil si ay uga xoreeyaan maleeshiyada ISIS. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Ciidamada Ciraaq oo ku sii siqaya galbeedka magaalada Mowsil si ay uga xoreeyaan maleeshiyada ISIS. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
London-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa sii wada howlgaladooda ku wajahan galbeedka magaalada Mowsil, oo ah meeshii ugu dambaysay ee ay kooxda ISIS ka joogaan gudaha dalka Ciraaq.

Dhanka bari ee magaalada ayaa laga xoreeyay ISIS bishii lasoo dhaafay kadib dagaal culus.

Kumanaan ciidamada Ciraaq katirsan oo ay dabada ka riixayaan madaafiic iyo diyaaradaha dagaalka, ayaa ka qaybqaadanaya dagaalka lagu xoreynayo Mowsil.

Howlgalka ayaa waxaa hoos u riday walxaha qarxa oo ay ISIS gelisay jidka. Kooxaha miino saarka ayaa ciidamada kala qaybgalaya howlgalka si ay u saaraan qaraxyada jidka ay ISIS gelisay.

Howlgalka ISIS looga saarayo magaalada Mowsil ayaa bilaabmay bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii tagay. Mowsil ayaa gacanta maleeshiyada ISIS ku jirtay in ka badan labo sanno.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*