Ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Bari oo gacanta ku dhigay ninkii dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Bari Kornayl Cabdixakiin Xuseen Yuusuf. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari, sida uu sheegay sargaal booliiska ah.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Bari Kornayl Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in gacan ku dhiiglihii uu ku jiro gacanta booliiska, isaga oo ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeri ah bixiyo.

Ma cadda sababta loo dilay guddoomiye ku xigeenkii hore, balse wararka ayaa sheegaya in ay tahay arrin la xiriirta aano qabiil.

Shalay oo Isniin ahayd, guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khalar Ismaaciil Cabdule oo loo yaqaan (Buncun) ayaa lagu dilay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*