Ciidamada badda Talyaaniga ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya oo qabtay lix nin oo looga shaki qabo burcadbadeed

Ciidamada badda Talyaaniga ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya oo qabtay lix nin oo looga shaki qabo burcadbadeed. [Sawirka: EU NAVFOR]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada badda Talyaaniga ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya ayaa qabtay lix nin oo looga shaki qabo burcadbadeed, sida ay bayaan ku sheegeen howlgalka ciidamada badda ee Yurub (EU NAVFOR).

Dhacdada ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay ka dhacday koonfurta Soomaaliya,sida ay sheegeen EU NAVFOR.

Nimanka oo watay doon yar ayaa weerar ku qaaday markab xamuul ah iyo dooni kalluumaysi.

EU NAVFOR ayaa sheegay in burcadbadeeda la gudbin doono si loo maxkamadeeyo.

Weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa hoos u dhacay shanti sanno ee lasoo dhaafay, balse sanadkan ayaa waxaa dhacay dhowr weerar, taasoo muujinaysa in burcadbadeeda ay weli halis yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*