Ciidamada badda Midowga Yurub oo cadeeyay in weerarkii ugu horeeyay muddo labo sano iyo bar gudahood ah ay burcad-badeeda Soomaalida qaadeen

burcad-badeed
Koox burcad-badeeda oo taagan xeebta. [Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Markab laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya oo lagu magacaabo CPO Korea oo qaada kiimikada ayaa waxaa weeraray lix nin oo hubaysan oo watay dooni yar xilli uu markabka marayay xeebaha Bari ee Soomaaliya 22-kii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

Waxaa weerarkaas cadeeyay ciidamada badda ee Midowga Yurub oo marka magacooda lasoo gaabsho la dhaho (EU Navfor)  ee ku sugan biyaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in is-rasaasayn ay dhexmartay lixda nin iyo ilaaladii markabka CPO Korea.

“Kuwa looga shaki qabo burcad-badeed ayaa ugu dambayntii cararay kadib markii ilaaladii CPO Korea ay si buuxda isaga difaaceen iyaga oo wadada badashay kordhiyayna xawaaraha si ay u fashiliyaan weerarka,” ayay dhaheen ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Waa markii kowaad oo weerar burcad-badeed laga sheego xeebaha Soomaaliya muddo ku dhow labo sanno iyo bar, sida ay cadeeyeen ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Taliyaha ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, Janaraal sare Rob Magowan ayaa yiri: “Weerarka waxa uu muujinayaa in burcad-badeeda ay wali weeraro ku qaadi karto maraakiibta si ay u weydiistaan madaxfurasho. Waa muhiim in beesha caalamka ay il-dheer u yeelato.”

“Ciidamada badda ee Midowga Yurub waxay kala shaqaynayaan saaxiibada la dagaalanka burcad-badeeda in ay iska-kaashadaan dadaalada lagu hubinayo burcada in aysan mar dambe kusoo noqon xeebaha Soomaaliya.” Ayuu ku daray taliyuhu.

Burcad-badeedii xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacday saddexdii sanno ee u dambaysay iyadoo ay sababtay maraakiibta oo shaqaalaysiiyay shirkado amni oo gaar ah iyo joogitaanka maraakiibta caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeeda, sidoo kale waxaa burcad-badeeda si weyn dhanka beriga ugala diriray gaar ahaan xeebaha Puntland ciidamada badda ee Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*